Fadlan hoos ka dooro midkaad doonayso.
Hordhac
Sida na loo daawanayo
Adeegyo tayo leh oo loo diyaariyey Daawadayaashayada ku nool dunida dacaladeeda
Tayada barnaamijka
|
Yoolka Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD.,waxaa weeye inuusoo tebiyo warar sugan oo dhexdhexaad ah, isla markaana uu daboolo baahida warbaahineed iyo wacyigelintiisa bahweynta ku hadasha afka Soomaaliga
Telefishanka Calamiga ah ee RAAD wuxu soo bandhigayaa hab saxaafadeed firfircoon oo ay hagayaan hormuudada warbaahinta soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya farsamo casri ah, waxaana laga daawan doonna telifishanka iyo shabakada internetka
Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD ujeedooyinkiisa ugu waaweyn waxaa kamid ah maabaadi’da xoriyada hadalka, dood wadaaga, daryeelka iyo u heelanaanta xuquuqda insaanka oo ah mabaa’diida uu aaminsan yahay Telelifishankii
Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD waxaa uu aad ugu wayn danaha dadweynaha waxaana uu ka soo horjeedaa falalka aan habooneyn ee loogu daneeyo cid gaar ah oo ay sameeyaan qaar ka mid ah hay’adaha waaweyn ee warbaahainta, kuwaas oo u muuqda inay maamulaan ururinta iyo sii deynta dhacdooyinka jira iyo wargelinta dadweynaha
Telefishanka RAAD waxa uu fursad u siinayaa daawadeyaasha sida ugu haboon ee suurtogal ah ,annagoo gaadhsiineyna heerka ugu sareeya ee noocyada barnaamijyo samaynta, kuwaas oo buuxin doona baahida iyo filashada daawadeyaashayada
Telefishanku waxa uu isu keeney shaqaale leh waayo aragnimo sare oo u heellan, himmad badan iyo rabitaanna u haya in RAAD telefishan ay ka dhigaan warbaahin cusub oo lagu hirto
Telefishanka RAAD waxa uu keeni doonaa wararka ugu dambeeyey ee gudaha iyo debedaba
Xarunta Telifishanka iyo Maamulkooduba waxay noqon doonaan Magaaladda London ee dalka Britain wuxuuna soo baahin doonaa barnaamijyo ay ka mid yihiin Wararka shanta qaaradood ee dunida iyo dhacdooyinka joogtada ah, sidoo kale waxaa uu idiinla diyaar yahay Teleefishinku Madadaalo |
|
Telefishinka caalamiga ah ee RAAD waxaa loogu tala galay in uu dunida oo dhan gaadhsiiyo barnamijyadiisa sida wayn looga fikiray, taasina waxa ay siinaysaa dadka wax xayeysiista meel iyo fursad ay la xidhiidhaan
Farsamada RAAD TV oo ay hogamiso farsamada calamiga ah ee TV- yada oo weliba |
|
Iyada oo xaslan doonta siyaabaha kala duwan ee aad wax ugu daawan kartaan RAADTV, oo isha ku haya malaayiinta qof ee Somalida ah ee aduunyada ku nool, si gaar ahna u eegi doona Afrika. Waxa suurtagelin doonaa in aan soo jidano ilaa 70% dawadayaasha. RAAD TV wax uu ka dheregsan yahay farsamada casriga ah ee horumarinta xaga TV- yada Sidaas awgeed, daawadayaashayada aduunyada dacaladeeda ku nool waxaanu u qoondaynay farsamada ugu heerka sareysa dunida maanta |
|
Iyadoo ay soo badanayaan tirada TV- yadu ayaa RAAD TV waxa barmamijyadiisa telifishanka iyo shabakada internetkaba ku soo bandhigi doonaa barnaamijyo tayaysan oo soo jiita daawadayaashayada, isla markaana waxaanu daawadayaashada u ogolaanaynaa in ay soo gudbiyaan fikirkooda iyo aragtiyadooda kala duwan. RAADTV waxaa uu soo dhawaynayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed
RAAD TV INTERNATIONAL waxaa kuugu talogaley barnaamiyo xiiso leh, oo xusuus aan go’in ku reebi doona maskaxdiina
Ganacsatada danaynaysa in ay kobciyaan korna u qaadaan ganacsigooda iyo suuqyada ay naawilayaan. Dhinca kale Hay’adaha kala duwan waxaanu ugu bushaaraynayaan in aanu si sahlan u gaadhsiin doono himiladooda |